FAAHFAAHIN: Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Ceel-Waaq

Wararka ka imanaya degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu dagaal halkaasi ka dhacay ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab ay weerar ku qaadeen xero fariisin u ah ciidamo ka tirsan guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Somalia.

Saraakiisha dowladda ee Xerada la weeraray ayaa Sheegtay in 11 ka tirsan maleeshiyada al-Shabab ee weerarka soo qaaday ay halkaa ku dileen dhinacoodana ay laba askari kaga dhaawacmeen.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay ururka Al-Shabab oo la xiriira dagaalka.

Maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin goobo aan ka fogeyn xerada ay degenyihiin ciidamada dowladda, waxaana la soo sheegayaa gurmadyo labad dhinac gaaray.

Col. Cabdirashiid Barre Gurxan oo ka tirsan Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Somalia, ayaa isagoo ku suggan Ceel-waaq Khadka taleefanka ugu waramay wariyeheenna Ibrahim Xasan Dandurey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.