Dhageyso: Dibdbax cabasho ah oo maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq

Dibadbax looga soo horjeedo awood qeybsiga golaha wasiirrada ee maamulka Jubbaland ayaa maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq.

Sahal Macallin Aadan oo ah guddoomiye xigeenka degmada Ceelwaaq ee maamulka gobalka Gedo wuxuu sheegay in bannaanbaxa maanta ka dhacay magaaladaasi ay ka qeyb galeen ku dhowaad 500 oo ruux kuwaasoo diidan dhismaha xukuumadda cusub ee Jubbaland.

Wuxuu sheegay in saamigii ay ku lahaayeen aysan ka helin isla markaana ay cabasho ka yihiin dhismaha golaha wasiirrada maamulka Jubba.

Guddoomiye xigeenka ayaa tilmaamay in arrintani ay u gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan balse ay muujinayaan inaysan raali ka ahayn qaabka loo soo xulay wasiirradaasi

Hoos ka dhagayso Codka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.