Binali oo loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga AK

Binali Yildirim ayaa loo magacaabay hogaamiyaha xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK.

Yildirim ayaa sheegay in hawsha ugu muhiimsan ee Turkiga u taala ay tahay badalida dastuurka iyo in dalka lagu maamulo hanaanka uu madaxwaynuhu awooda leeyahay.

Ninkan oo lagu wado in uu sidoo kale noqdo rai’sal wasaarahan cusub ayay aad isugu dhawyihiin madaxwaynaha wuxuuna sheegay in uu si sharaf leh ula shaqayn doono.

Rai’sal wasaarihii hore Ahmet Davutoglu iyo madaxwaynaha ayaa arrimo dhawr ah ku kala aragti duwanaa waxaana ka mid ahaa in la kordhiyo awoodda madaxwaynaha.

Arrintaas ayay dad badani u arkaan mid tallaabo lagaga fogaanayo dimuqraadiyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.