Caabudwaaq: Qaabkii ay u dhaceen dilalkii maanta iyo xaaladda caawa

Ugu yaraan afar ruux ayaa dhimatay halka mid kalena uu dhaawacmay kadib markii isku dhacyo ku saleysan aanooyin qabiil ay ka dhaceen magaalada Caabudwaaq.

Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa aanooyinkani ay ka kala dhaceen saaka iyo maanta iyadoo qofka dhaawaca ah xaaladdiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Dhacdada hore oo ay ku dhinteen seddexda qof ayaa u dhaxaysay dad ehel ahaan isku dhow kuwaasoo ismaandhaafay. Halka midda dambe oo qofka uu ku dhintay midka kalena ku dhaawacmay ay ahayd dakano.
Xaaladda magaalada Caabudwaaq ayaa deggan waxaana arrintani ay maanta saameysay noloshii dadkii caadig ahaa.

Magaalada waxaa ku sugan waxgaradka oo dadaal ugu jira sidii ay u xalin lahaayeen dhacdadani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.