Daawo: Maamulka Kismaayo oo Jirdil Ugesytey Gabdho Sade Mareexaan Hantidoodiina Boobey

Waxay ahayd dhawaan markii kismaayo heshiis ku dhexmarey Axmed madoobe iyo beel kamida Beelaha daga Jubbaland. Laakiin heshiiskaas majoojin dhibkii lagu hayey beesha Sade Mareexaan waxaana dib usoo noqday dhacii,xabadii,boobkii iyo iwm dhacdadii u dambeysey waxay ahayd 14 Haween ah oo Boosas kuleh Xaafad kamid ah Magaalada Kismaayo dhamaantoodne kasoo wada jeeda Beesha Sade ayaa Boosaskooda waxaa lagu qabsaday Tikniko, kadibne iyagii ayaa xabsiga loo taxaabay halkaas oo jirdilo kala duwan loogu geystay.

Waxay inoo sheegeen Qaar kamid ah Haweenka la dhacay oo codsaday in aanan Magacooda Xigan, in lagu wargaliyay in aysan sheegan karin dhulalkaas oo ay sheegeen in ay hayaan Dikumintiyadii ay ku iibsadeen, kuna mulkiyeen la haanshiyahooda.

Gedo Times waxay haysaa Cadyemo buuxa oo la xiriira Magacyada Haweenka la dhacay Guud ahaan, balse amniga oo ah mid aan la isku haleyn karin ayaan u qarinay Maagacayada Gabdhaha balse tiro ahaan waa 14 haween oo dhamaantood laga wada dhacay boosaskooda.

Waxaan Xiriir la sameynay Saraakiil Wasiiro ka tirsan Maamulka Jubbaland waana ay diideen in ay ka jawaabaan Cabashooyinkaas, Waana kuwaan Muuqaaladii aan idiin balanqaadney Jirdilkii Loo gaystey Gabdhaha Sade Mareexaan.

Fiiro Gaar ah Dhawaan waxaan idiin soo gudbin doonaa Muuqaalada Dhulalka la dhacay, iyo Qaar kamid ah Haweenka oo ka warbixinaya sida loo dhacay. gaber2

gaber

gaber1

gabeer

gabe3

2 Comments

  1. Waxaan filayaa somaliya waxeysan horey usoo Marin ayey kulaban dontaa oo ah inbleys kalaayo makasta iyo caruuraha lkn waxey udaran tahay ninkii bilaaba

Leave a Reply to Sade Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.