Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose”Sawirro”

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la soo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, ayaa lagu faahfaahiyay howlgallo Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Isbuucaan ay Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay weerareen Saldhigyo ay Maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayeen Degmoyin iyo Deegaanno ay ka midyihiin, Awdeegle, Toorotooroow ,Mareereey, Bariirre,Sabiib iyo Caanaale oo dhammaantoodba hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladaasi ayaa intii ay socdeen lagu dilay 14 kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoo lagu soo furtay maxaabiis ay si sharci darro ah u xirxirteen, Sahnad Ciidan, islamarkaana la burburiyay saldhigyo iyo difaacyo ay lahaayd Kooxdu.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska CIidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri.”Ciidanka X.D.S wuxuu sii xoojinayaa howlgalka lagu bartilmaameedsanayo Cadawga dalka Soomaaliya, ma jirto maanta meel ay nabad iyo Kalsooni ku joogaan Al-shabaab, mar walbana waxaan ku qaadeynaa Weeraro qorsheysan.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka ka socda gobalka Shabeellaha Dhexe, dhawaana ciidamadu ay si buuxda u hanan doonaan gacan ku heynta deegaanada fara ku tiriska ah ee wali ay ku dhuumaaleeysanayaan Al-shabaab shacabkuna ay maqli doonaan war ay ku farxaan.

Ugu Dambeyntii warka ka soo baxay taliska Xoogga Dalka ayaa lagu yiri “Waxaan Qorsheysanay in sanadkaan aan ku soo afjarno baabi’inta Cadawga Umadda Soomaaliyeed, haddana maalo kala duwan oo dalka ah uu ka socdo howlgalkaasi.”

Ammaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa ku saxiixan Warkan ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

IMG_2473-1 dagaal IMG_2435 IMG_2441 IMG_2443 IMG_2451

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.