Maamulka Baladweyne iyo talisyada ciidamada oo sheegay in aysan wax ka qaban karin dagaal beeleedka

Maamulka magaalada Baladweyne iyo taliska booliska ee dowladda federaalka ayaa si cad u sheegay in aynaan waxba ka qaban karin dagaal beeleedka ka socda magaaladaasi.

Taliyaha booliska degmada Baladweyne, guddoomiyaha degmada iyo saraakiil ka socota AMISOM ayaa saaka ku baxay halka ay isku horfadhiyaan labada maleeshiyo beeleed.

Wuxuu sheegay taliyaha booliska Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle in markaa ay wax yar kala durjujiyeen maleeshiyaadka si dagaal kale looga baaqsado balse daqiiqado kadib ay ku soo wada laabteen qolo kasta halkii laga kiciyay.

Guddoomiye xigeenka ammaanka ee Baladweyne Cawaale Isaaq ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo mid dhaawac isla markaana dagaalkani uu saameeyay noloshii qoysaskii maatada ahaa ee la daalaadhacayay fatahaadaha uu sameynayo wabiga Shabeelle iyo daadadka roobab ka curtay magaalada Baladweyne

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed seddex maalin ka soconaya magaalada Baladweyne.

Guddoomiye xigeenka amniga gobalka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa  sheegay  inay jiraan dad shacab ah oo ku dhintay dagaalkaasi iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed oo xal ay u waayeen maamulka degmada, kan taliska booliska iyo saraakiisha AMISOM ayaa weli si goos goos ah uga socda xaafado ka tirsan Baladweyne.

Gaadiidka dagaalka oo ay ku xiran yihiin qoryaha ayaa dagaal beeleedka qeyb ka ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.