Xukuumadda oo ballanqaaday dhisme lagu sameeyo garoomada magaalada Muqdisho

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia ayaa ballan qaaday inay dib u dhis ku samayn doonaan garoomadda Magaaladda Muqdisho si looga badbaadiyo dhalinyaradda inay ka tahriibaan dalkooda.

Booqashadan oo ay si wadajir ah ugu gaareen Tuuladda ciyaaraha ee Muqdisho wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha , Wasiirka Amniga , Xubno ka socday gudiga Olombikadda ee Somalia , Maamulka Gobolka Banaadir , Gudoomiyaha ku xigeenka  haweenka qaranka , tan Gobolka iyo dhalinyaro waxaana dhamaantood ay isku raaceen inay muhiimadda 1, aad  ee dalku ay leeyihiin dhalinyaradda.

Hadalkan ayaa daba socda markii Axzaabta dalka ay sheegeen in Magaaladda Muqdisho ay ku qaban doonaan banaanbax ka dhan ah  Ciidanka AMISOM hadii aysan ka bixin goobaha  danta guud ee ku  yaalla Magaallada Muqdisho.

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdullahi Nuux ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay dib u dhiska garoomadda muqdisho haba ugu horayse Stadium Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.