XOG: Akhriso Magacyada iyo Wasaaradaha ay kala heleen Beelaha Sade iyo Absame.

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland kuwaas oo ka kooban 17 Wasiir iyo 17 kuxigeen.

Golaha ayaa waxaa Beesha Daarood ay heshay 9 Wasiir,

Beesha Sade Daarood oo ugu badan Jubbaland ayaa heshay 4 Wasiir oo uu ugu muhiimsanyahay

1, Wasiirka Amniga oo loo magacaabay Cabdirashiid Indhakoreey Mareexaan ree Axmed.

2, Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Garsoorka Aadan Ibraahim aw-xirsi Cirro Mareexaan ree Diini ree Ugaas Sharmaake.

3, Wasirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Yusuuf Awlibaax, Marexaan Celi.

4, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhay, Mareexaan Talxe

Wasiir kuxigeenada Beesha Sade ayaan ilaa iyo hadda haynaa wasiir kuxigeenada kala ah.

Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha Mareexaan Celidheere

wasiir Kuxigeenka Bartoolka iyo tamarta Ducaale, Mareexaan Ree Xasan

Beesha Absame oo uu kasoo jeedo Axmed Madoobe ayaa iyadu heshay 4 Wasiir oo buuxa, kuwaas oo kala ah.

1, Wasiirka Maaliyadda

2, Wasiirka Waxbarashada,

3, Wasiirka Beeraha

4, Wasiirka Gaadiidka.

Marka aad fiiriso Shaxda wasiiradan lagu qeybiyey waxaa kuusoo baxeysa Cadaalad Darro iyo kala qeybin horleh o uu Shacabka ree Jubbaland ka dhexwado Axemd Madoobe, sidoo kale waxaa Gabi ahaanba burbur qarka u saaran Heshiiskii Dhawaan ay wada galeen Beesha Sade iyo Axmed Madoobe, kaas oo qodob kamid ah uu dhigayay in Saami Qeybsiga Beelaha ree Jubbaland si siman wax loogu qeybiyo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.