Wixii Danbi Dhacay Indha Ka Dado – NUSOJ Wacal ayay Umushay

Ugu danbayntii Gabadhii NUSOJ ee rimanayd Wacal ayay dhashay ruuxa la doortana waa un Umuliso , waayo Umulisado wacal iyo Xalaal ba ayadaa ka dhalisa Hooyada balse Aabo uma noqoto .
Gabadhaan la yiraah NUSOJ Waxaa kufsaday ilaa sagaal ruux oo midba midka kale ku masabidayo inuu ilmahan isagu leeyahay , iyadoona mid kasta hadana uu damac ku jiro Ilmahaan .
Dhacdadii saaka ee aan kala kulmay City Place aan waxyar dul istaago taasi oo aniga ii gaar ahayd wixii halkaas iga qabsaday Wallow aan tanaasulay anigoo nafdayda u baqay .
Saaka subax aniga hurda ka kacay ayaa waxaa iso wacay mid kamida musharaxiinta taasi oo loo sheegay in ilaa 20 cod oo ay leeyihiin suxufiyiina shaqaalaha ah ee loo yaqaan Qorrax-joog aan aniga gacanta ku haya , isagoo doorbidayay in aan ku kaabo codkaa si uu u guulaysto Albaabka gurigayga ayaa la iga qaaday Yarkii musharaxa ahaa wuxuu ii soo bandhigay Ajandihiisa doorasha wallow aan ka maqnaa maalintii musharaxiintu ay soo bandhigayeen wax-qabadkooda oo aan xanuun ka jiifay gurigayga balse intii aan jiifay waxaa la ii daba maray Kooxdaydii oo ahayd dad aan sikasta ugu kalsoonahay oo ilaa halsano ka badan ila soo Jabhadeeyay Wakhti adagna ila soo qaaday .
Laakinise xalay waxaa lagu kala furfuray Hotel Dayax Muqdishu iyadoona halkii cod uu marayay suuqa kala iibsiga 500 $ , mar xalay mid kamida asxaabaytda uu I soo wacay isagoona I kasbaynaya inuu I iibgeeyo musharaxa Xoghaye ee galaba guulaystay .
Noloshaydii Damiirkayga ma iibgeen damac aan ugu badasho codkayga lacagta ima soo galin Ilaahay baana Taas ugu mahad celinayaa , adiga ugu danbayn waan diiday yarkii aan aan ahayn Caysh oo milix balse wuxuu ogaaday hadafkayga iyo iimaankayga .
Markii aan tagay xaruntii oo la I yeeriyay liiska meesha yaalana aan iska dhex arkay oo aan bilaabatay doorashadii ayaa waxaan iska waayay magacagaygii waan hadlay balse guddiiga doorashada oo xalayba la gatay gabi ahaanka iyo guddiga la magac baxay xalinka Khilaafka oo ka koobnaa 8 xubnoon waxay lagu wada heshiiyay maqnaanshihii labadii maalin oo aan xanuunsanayaa in Cirka la ii fiiriyo oo hadii aan hadlo kursigayga la igu celinayay hadii aan hadalka joojin waayana banaanka si awoodleh la iigu bixiyay markii aan hadlay oo aan sheegay in labo jeerba liiska aan ku jiro laakinse markii dadkii dhan ay codeen ayaa la yiri Ergadu waa intii codaysan waxaaba bilaabmi doona tirinta codadka qofkii aan la yeerina meesha haka baxo , waxaa sidoo kale ila qabay ilaa 4ruux oo kamida dadkii ila soo jabhadeeyay balse si hoose kadib markii aan aamuseen waxaa arinka lagu xaliyay 4.5 iyo qabiil , Anaa Ilaahay ima badin wax aan xaq ku leeyahay inaan reer ku raadiyo anoo sabri kara .
Xuseen Baari Senior Editor.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.