Daawo: Dibad Bax lagu Taageeraayo Magacaabidda Maxamuud Sayid oo ka dhacday Magaalada Garbaharay.

banaanbax balaaran islamarkaasna lagu taageerayo madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka jubaland mudane maxamuud seyid aadan iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka juboland janaraal cabdullaahi sheekh ismaaciil fartaag, ayaa lagu qabtay Degmooyin kala kala tirsan Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose.

iyadoo fagaaraha weyn ee xarunta golka gedo ay isugu soo baxeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer garbahareey halka banaan baxaan midlamid ah uu ka dhacey guud ahaan golka gedo waxaa xusid mudan in barnaamijkaan uu isku soo dubo ridey xoghayaha xariirka hay.adaha iyo hormarinta gobolka gedo mudane xasan garbahareey.

Muuqaalada Idiin Muuqada. waa qaar kamid ah maamulka gobolka gedo iyo kan degmada garbahareey oo aad u soo dhaweynyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka jubaland mudane maxamuud sayid aadan.

Guud ahaane Degmooyinka Gobolka Gedo iyo Degmada Kismaayo ayaa aad looga so odhaweeyey Magacaabidda Madaxweyne Kuxigeenka Cusub e Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

gar1

gar2

gar3

gar4

gar5

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.