TOP News: Maxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, Peter De Clecq.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mr De Clecq ayaa kulankooda kaga wadahadley shir caalami ah oo ka dhacay Istanbul kaasoo looga hadlaayo arrimaha gargaarka aadanaha dunidda.

Soomaaliya oo ka mid ah waddamada shirkaasi ka qeybgalaya ayaa waxay ku soo bandhigi doonta sida ay u socdaan hawlaha gargaarka, iyo sida loo tayeyn karo gargaarka loo fidiyo Soomaaliya si ay saameyn waxtar leh ugu yeelato shacabka.

Shirweynaha ka dhacaya Istanbul ayaa waxaa lagu barbar qaban doonaan kulan gaar ah oo lagu eegayo xaaladda aadminimo iyo samafalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo kulanka Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, lagu soo hadal qaadey qaxootiga Soomaalida ee dalalka dunida ku baahsan, dhibaatooyinka tahriibka iyo sidii fursado dhaqaale iyo shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada iyo dadka barakaceyaasha.

ban

ban2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.