Janaraal Fartaag: Magacaabidda Maxamuud Sayid waa Qeyb kamid ah Dib u Heshiisiintii Jubbaland aan ka wadnay.

Madaxweyne ku xigeenkii horre ee Jubbaland Jeneraal Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo dhaweeyay magacaabiista uu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam u magacaabay ku xigeenkiisa koowaad Maxamuud Sayid Aadan.

Isagoo u warramayay Idaacadda VOA ayuu sheegay in arrintan ay la xiriirto shirar dib u heshiisiin oo dhexmareysay dadka ku nool

“Saa la socotaan muddo 10 bilood waxaa lagu guda jiray waxa loo yaqaano dib u heshiisiin iyo isku dumid beelaha wada-deggan dhulka Jubbaland, dib u heshiisiintii Jubbaland waxaa ay soo afjarantay bishii Maarso si fiican oo guul ah ayey ku soo afjarantay, wixii ka dambeeyey madaxweynaha wuxuu ku mashquulsanaa la tashi beelo badan ayuu la tashanayay siddii loo dhammeestiri lahaa”ayuu yiri Jeneraal Fartaag.

“Aad iyo aad ayaan u soo dhaweeneynaa oo aan ku faraxsanahay”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ayaa ku tilmaamay go’aanka madaxweynaha uu ku magacaabay Maxamuud Sayid Aadan waajib dastuuri ah iyo shaqo uu lahaa oo uu qabsaday sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay magacaabiista Maxamuud Sayid Aadan in ay ku timid shirarkii dib u heshiisiinta ama in uu ka gaabiyay howshii uu hayey, wuxuu ku jawaabay in waxqabadkiisa la weydiiyo shacabka Jubbaland ee dal iyo dibad jooga.

‘Shacabka reer Jubbaland dal iyo dibad ayaa la weydiinayaa Fartaag halgankii u soo galay Jubbaland iyo miraha uu ka dhaliyey iyaga ayaa la weydiin taarikhda Fartaag in aan ka sheekeeyo ma ahan’ ayuu yiri Fartaag

Si kastaba, hadalka Fartaag ayaa yimid kaddib markii madaxweyne Axmed Madoobe uu shalay shaaciyey in Maxamuud Sayid Aaden uu yahay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaas, isaga oo beddelay Jeneraal Fartaag.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga VOA-da ay la yeelatay Jeneraal Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.