Cabdirashiid Indhakoreey: Muddo Badan ayaan Raadinayay Madaxweyne Kuxigeen, Balse waa u Hambalyeynayaa Maxamuud Sayid.

Cabdirashiid Indhakoreey Sii hayaha Wasiir ku xigeynka Arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiirro, Ururada Bulshada iyo xubno kale.

Cabdirashiid Indhakoreey oo warbaahita la hadlay ayaa sheegay in muddo badan uu dadaal ugu jiray sidii loogu magacaabi lahaa Madaxweyne ku xigeynka Dowladda Jubbaland, balse mar hadii uu Madaxweynaha go’aan qaatay oo u magacaabay Maxamud Sayid Aadan waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo uuna la shaqeyn doono.

Waxaa uu dhamaan siyaasiintii raadinayay xilka Madaxweyne ku xigeynka ee waayay ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweyne ku xigeynka cusub, ” hadii ay manata waayeen berri ayay heli doonaa” ayuu yiri Janan.

Hadalkiisan ayaa Imaanaya Xilli lagu wado in uu kamid noqdo Gole Wasiiro oo Dhawaan la filaayo in Axmed madoobe uu Kismaayo kaga dhawaaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.