XOG: Wasiirada Jubbaland oo bari lagu dhaawaaqayo iyo Indhakoreey oo Kismaayo Gaaray Goordhaw.

Waxaa Goordhaw Magaalada Ksimaayo gaaray Cabdirashiid Indhakoreey oo Kamid ah Siyaasiyiinta Sida Weyn u taageersan Axmed Madoobe ee kasoo jeeda Beesha Sade.

War lugeed ay Gedo Times  heleyso ayaa Sheegeysa in Indhakoreey lagu wado in uu kamid  noqdo Gole Wasiiro oo barri lagu wado in Axmed madoobe uu Ksimaayo kaga dhawaaqo.

Xubnaha Wasiirada ee Maamulkaas ayaa la sheegay in ay Noqonayaan ilaa 20 Wasiir waxaana Beesha Sade lagu wadaa in ay ka hesho Golahaas ilaa 3 ama 4 Wasiir sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka agdhaw Axmed Madoobe.

Xubnaha ilaa iyo hadda la hadal haayo in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada ayaa waxaa kamid ah

1, Aadan Ibraahim Aw-xirsi oo lagu wado in loo Magacaabo Wasiirka Qorsheyta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2, Cabdirashiid Janan ” Indhakoreey” oo lagu wado in loo Magacaabo Wasiirka Amniga.

3, Maxamed Yuusuf Aw-libaax oo lagu wado in Loo Magacaabo Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha Diinta.

4, Batraan Muxumed oo lagu wado in loo Magacaabo Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska,

sidoo kale Xubno kale oo la filaayo in ay kamid noqdaan Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha ee Maamulka ayaa jira kuwaas oo aysan noo suuragalin in aan Helno Magacyadooda.

wixii kusoo kordha isha ku hay Gedo Times.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.