XOG: Maxaa ka dhacay Maanta Xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.”Akhriso”

Saaka Waxaa Weerar lagu qaaday iskuulka Guulwade iyo MCH-ka ama Xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee Dacalka ku haysa Iskuulkaas Guulwade ee Xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

Maleyshiyaadka Nabad sugidda ee Maamulka Axmed Madoobe ayaa Weerar ku qaaday Xarumahani iyagoo dadkii Joogay aagaasne ku amray in Si Degdeg ah ay xarumahani Isugu jira goobo waxbarasho iyo kuwo Caafimaad ay kusoo wareejiyaan maamulka kadib markeey ku sheegeen in ay yihiin Dhul Dowladeed.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Iskuulka Guulwade iyo Xaruntaas Hooyada iyo Dhalaanka lagu Dabiibo ayaa Gedo Times u sheegay in Ciidamada Meesha Soo Weeraray ay sheegeen in Amar lagu soo siiyay in ay digniin siiyaan, maalmaha soo socdane Xarumahaas albaabada la isugu dhufan doono.

Iskuulka Guulwade oo ka kooban Dugsiyo Hoose, Dhexe iyo Saraba ayaa waxaa la sheegaa in ay dhigtaan Ugu yaraan, 1400 oo arday ah kuwaas oo heerarka kala duwan ee waxbarashada ku jira.

Dhinaca MCH-ka ayaa waxaa lagu baxnaaneeyaa Hooyooyinka iyo Dhalaanka Dagan Xaafada Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

Majirto wax Masuul ah oo kasoo jeeda Beesha Sade ama matala Bulshada Xaafadaasi ku nool oo arinkani ka hadlay, Xiriiro aan lasameyneyne waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan Dhacdooyinkani kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo.

Arimahane waxay imaanayaan Maalin kadib markii Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaas loo Magacaabay Maxamuud Sayid Aadan.

Wixii kusoo kordha Xiisada ka jirta Xaafadda Guulwade kala soco Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.