Degdeg: Madaxweynaha Puntland oo Xilalkii Ka qaaday taliyayaasha Booliiska iyo Birmidka ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Xilalkii Taliyanimo ee Puntland ka qaaday, Taliyayaashii Booliiska ee Puntland iyo taliyihii Birmadka ee Maamulkaas.

Taliyaha Booliiska ee Puntland Cabdirisaaq Afguduud iyo Taliyihii Birmadka Mudane Cuuke ayaa waxaa xilalkii ka qaaday madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Gaas.

Xilkaqaadistani ayaa imaaneysa xilli dhawaan Labada Taliye ay isugu gacan qaadeen, Magaalada Booasaaso taasi oo ugu dambeyn keentay is rasaaseyn dhexmaraytay Laba Ciidan in uu ku dhaawacmo Wasiirkii Amniga ee Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab.

Wareegtada Xilkaqaadista Gedo Times kala soco Insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.