Faahfaahin ka soo baxaysa booliska DF oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay baabuur ay saarnaayeen ciidanka booliska dowladda federaalka oo marayay duleedka Muqdisho

Wararka laga helayo degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax miino lagu la eegtay baabuur ay saarnaayeen ciidanka Booliska dowladda federaalka.

laba ka tirsan ciidamada booliiska ayaa ku dhaawacmay  kadib markii qarax uu haleelay baabuur ay la socdeen.

Baaburka Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay lahaayen ciidamada booliiska ee Lafoole fadhigoodu yahay ayna kusoo jeedeen dhinaca magaalada Muqdishu.

Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo jeedeen dhanka magaalada Muqdishu ka hor intii aanu qaraxu qabsanin, waxaana la sheegay in qaraxu uu sidoo kale burbur koobaan u gaystay baabuurka ciidanka Booliska dowladda federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.