Alshabaab oo dib u qabsatay degmada Aadan Yabaal

Xarakada ALshabaab ayaa dib u qabsatay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe kadib markii Ciidamada Dowlada Federaalka ay maanta la wareegeen.

Ma jirin wax iska hor imaad ah oo degaankaas ku  dhaxmaray labada dhinac ee Ciidamada Dowlada  iyo Xarakadda Al Shabaab.

Xaaladda caawa waa deggan tahay waxaana la soo sheegayaa in Xarakada Alshabaab ay ku sugan tahay degmada Aadan Yabaal iyadoo laga cabsi qabo weerar rogaal celis ah oo dowladda iyo AMISOM  ay ku qaadaan halkaa. Waxaana la soo sheegayaa in dadkii shacabka ahaa ay isaga barakaceen.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ka mid ah Degaanada  marar badan  uu iska hor imaad ku dhaxmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Al Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.