Degdeg: Xubin sare oo ka tirsanaa FIFA oo is casilay hadda

Domenico Scala, madaxa hantidhowrka iyo u hogaansanaanta shruudaha ee FIFA, ayaa xilkii iska casilay isagoo ka cabanaya isbadellada lagu sameynayo xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA.

Scala ayaa ka caraysan in golaha cusub ee FIFA uu awood u yaalan doono in ay magacaabaan oo ay xilka ka qaadaan dadka madaxda ka ah guddiyada, ay ka mid ka yihiin hantidhowrka, anshaxa iyo dhaqaalaha.

Golaha ayaa waxaa lagu badelay guddiga fulinta ee FIFA, arrintan ayaa ka dhalatay fadeexad musuqmaasuq oo haraysay hay’adda.

Bayaan uu soo saaray Mr Scala ayuu ku sheegay in tallaabada ay xaddidayso xorriyadda guddiyada muhiimka ah oo ay ka mid tahay baaritaannada la sameeyo.

Guddiyada ayaa “waxaa laga xayuubiyay xorriyaddoodii”, ayuu yiri Scala.

Scala ayaa dowr muhiim ah ka dheelay riixidda isbadellada FIFA kaddib fadeexado horseeday in shaqada laga joojiyo Gudoomiyihii hore ee FIFA Sepp Blatter iyo dhiggiisa Uefa Michel Platini.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.