Dhageyso: Gudoomiyaha Degmada Garbaharay oo Gedo Times uga waramay Jirdil iyo Bahdilaad ay kula kaceen Ciidamada Itoobiya.

Gudoomiyaha Degmada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo Mudane Nuur Sheekh Maxamed Buraale oo la soo xiriiray Warqabadka Gedo Times ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay tacadi iyo Jirdil ay u geysten Ciidamada Itoobiya ee Degmadaasi Ku Sugan.

Nuur Caato ayaa ku Nuuxnuuxsaday in Xadgudub Qofeed iyo mid masuuliyadeedba lagula kacay si xune loo dhaqmay kadib markeey soo qabteen Ciidamo Itoobiyaan ah isagoo Magaalada Garbaharay Dhinac ka sawiraya.

“Qurba Joogta Deegaankaa ila soo xiriirtay si ay Magaalada Maalgashi ugu sameystaan bal in aan Bilicda Degmada u so gudbiyo anigoo duubitaan kujirane dhacdadaan ayaa igu dhacday taliyaha ciidamada Itoobiya ee Garbaharay kusugan ayaana falkaan Masuul ka ah” ayuu Yiri Nuur Caato oo wareysi gaar ah siinayay Gedo Times.

Wuxuu dowladda Dhexe gaar ahaane wasiirka Gaashaandhigga Janaraal Diini uu ugu baaqay in arintan uu wax ka qabto, isagoo sidoo kale baaq kaas lamid ah u diray Madaxda Jubbaland.

Hoos ka dhageyso Wareysiga uu Gedo Times Siiyay Gudoomiye Nuur Caato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.