Ciidamada Itoobiyo oo Jirdil iyo Xarig u Geystay Gudomiyaha Degamada G. Harey

Ciidamada Ethiopia ayaa maanta gabood fal xoogan kula dhaqaaqay Guddoomiyaha maamulka Magaalada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in saaka abaaro 7:00Am isaga iyo Wariyayal ka tirsan Tv-ga maamulka Jubbaland oo Barnaamij ka diyaarinayay ay tageen buur dheer oo nawaaxigeeda ay degan yihiin Ciidamo Ethiopian ah.

Hase ahaatee Ciidamada Ethiopia ayaa ka war helay mar qura Nin Buurta dusheeda saran iyo Camero taas oo ka careysiisay iyadoona la soo qabtay Guddoomiyaha lana jir dilay.

Markii ay Ciidamada Ethiopia soo qabteen Guddoomiyaha iyo Wariyayaasha ayey weydiiyeen waxa uu ka qabanayo buurta Korkeeda isagoo u faah faahiyay in Barnaamij Documentary ah la diyaarinayay Wariyayaasha TV-ga Jubbaland.

Ethiopian-ka ayaa intaas kadib weydiiyay sababta uu u soo wargelin waayay isagoona jawaab karti leh ugu yiri Aniga soo maahi guddomiyaha halkaan Garbahaareey?!

Taas oo la sheegay in ay keentay jir dil xoogan oo ay kula kaceen Ciidamada Ethiopia guddoomiyahaasi.

Muddo saacado kadib xariga guddoomiye Nuur Sheekh Maxamed ayaa waxaa odayaasha iyo qaar ka tirsan ururada Bulshada ee Magaalada Garbahaareey ay Ciidamada Ethiopia ku qanciyeen in ay soo daayaan guddoomiyahaasi.

Ciidamada Ethiopia oo dalka aan ku joogin Ogolaanshaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa xad gudubyo sharaf dhac ku ah Madax banaanida Soomaaliyeed waxa ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.