Sheeko Xiso Badan :Hadii aan Wax Baran Lahaa janadaan ku jiri Lahaa?

Saddex casho Ka hor ayuu nin miskiin ah oo gaajonaya iigu yimi Cisbitalkayga wuxuuna iga dalbaday inaan wax siiyo waana siiyey..!

Kadibna waan fadhasiiyey oo waan wareystay waxan ku idhi adeer magaca wuxu igu yidhi Cali waxan ku idhi imisaad jirtaa wuxu ii sheegay in uu 70 jir kor u dhaafay waxan waydiiyey wax ubad ah in uu dhalay iyo noloshan sida uu kusoo gaadhay.

Oday Cali wuxuu iiga sheekayey taariikh nololeedkisa wuxuuna igu yidhi adeer waxaan dhashay tarikhdu markay ahyd 1938 aabayna wuxuu dhintay anigoo 10jir ah 1948 wax ubad ah labo (2) caruur ah ayan la dhashay abaahy wuxu nooga dhintay xoolo iyo hanti badan wuuna nooshaqeeyay kadibna mawtul qafle ayaa dilay.

markuu aabahy dhintay anigana waxba maan baran xoolihii iyo hantidii aabay nooga dhintayna waxbo kamaan tabcan ee yaga ayaan ku noolayn oo aan masariifsan jirnay runtii xoolahas wan ku ciyaaray markaan qaan gaadhay kadib.

Waxaan saaxiib ahayn wiil dhalinyaro ah waqtigaas oo reer kooda waxay ahaayen kuwo sabool ah oo aan waxbo haysan haseyeeshe wiilku wax buu baran jiray wuuna dadaali jiray sidoo kale habeenki wuxu ka shaqayn jiray hudheelada iyo maqaxiya si uu ugu soo saro masaariif ay maalinkii reer koodu ku nooladan.

Muddo 40sano kama aysan soo wareegin markii uu wiilka aan saaxiibka ahyn noqday ganacsade halka aanan aniga waxbo ka haynin xoolihi aabay iga dhintay oo aan waxbana katabcanin xata kama anan guursanin.

Oday cali isagoo ooya ayuu yidhi waxaan ogaaday in nolosha aysan ahy farxad lagu waarayo ee ay tahy mid ku meel gaadh ah.
wuxuu yidhi waxaan kaloo ogaaday in qofka ku jira nolosha gaaban ee meel dheer waxbo ka arkyni uu baraarugaayo waqti uu qoomamaynayo.

Wuxu yidhi waxaan ogaaday in dadaalka iyo juhdigu uu yahy mid aad ku nasan doonto mustaqbalka dhow hadii aad noolato.

Oday cali isag oo aad uga murugaysan noloshiisi hore wuxu hadalkiisi kusoo gababeeyay in geeridu ay kusimi doonto gaajo goblan iyo Guri la.aan.

Subxaan allah, wlhi Qisadan Oday Cali aadbay ii taabaty waxay mudan tahy in lagu cashar qaato oo dhalinyarta maantu ay hurdada iyo hawadooda ay ka baxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.