XOG: Maxaa kasoo baxay Kulankii Saacadaha Badan Qaatay ee Dhexmaray Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Itoobiya ee Kismaayo ku sugan

Magaalada Kismaayo waxaa Maanta kulan Saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Itoobiya eee Kismaayo ku sugan, kadib markii uu soo baxay Shaki la xiriira in Axmed madoobe uu ka dhaga adeeygaayo Soojeedinta Itoobiya, iyo Qorshihii ay kusoo wada hadleen isaga iyo Saraakiil Itoobiyaan ah Markii uu Addis Ababa Joogay.

Madoobe ayaa horay usoo saxiixay in Marka uu Kismaayo ku laabto uu Magacaabi Doono Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo ay Itoobiya shegtay in uu sii ahaandoono Janaraal Fartaag, iyadoo markii uu Itoobiya Joogay Axmed Madoobe uu Aqbalay Arinkaas.

Balse Xalay ilaa Saaka Galinkii Hore ayaa waxaa soo baxay hadal hayn badan oo la xiriirtay in Axmed Madoobe ay miiska u saaranyihiin Sadex nin oo kala ah Cabdi Shire Warsame, Aadan Ibraahim Aw-Xirsi Cirro iyo Hilowle Aadan Guumow.

Soo bixitaanka Sheekadaas kadib ayey Cidamada Itoobiya waxay Axmed madoobe ugu tageen Guri uu Dekadda Kismaayo qarkeeda ka dhistay, halkaas oo ay ku ilaalinayeen Cidamo Kenyan ah, iyagoo u sheegay in ay isaga kaligii doonayaan, xoogaa cagajiid badan kadibne uu raacay, iyagoo la tagay Taliskooda ugu weyn ee ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Shakhsiyaad ay aad isugu dhawyihiin Axmed Madoobe gabaldhicii Maanta markuu kulanka soo idlaadayne arkayay Isagoo Wajigiisa ay caro badan ka muuqato ayaa Gedo Times u Sheegay in uu u sheegay in laba arimood un la doorsiiyay.

Walalow Axmed Xaajadaa ku Xun, Laba daran Mid Dooro ayaana Haysata, mida hore waa in uu Fuliyaa Dhamaan Qorshayaasha ay Itoobiya soo fartay markii uu Addis Ababa Joogay, haduu fuliyane Kenya iyo Beeshiisa ayaa Buuq badan ku furaya, iyo mida labaad o ah in awaamiirta Itoobiyaanka uu Dhagaha ka fureysto wixii maagiisa kusoo dhacane uu sameeyo, oo uusan garan karin Natiijooyinka uu kala kulmi karo” Ayuu Yiri Ilo Wargal ah oo Axmed Madoobe ku dhaw Gedo Times Ne la hadlay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan Caawa ka heleyno madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in Axmed uu iminka go’aan ku gaaray Fulinta Awaamiirtii Itoobiya oo un aheyd laba arimood oo kala ah in Madaxweyne Kuxigeenimada Fartaag ay tahay lama Taabtaan, iyo Golaha Wasiirada ee Beesha Sade in ay noqdaan kuwo Beesha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ay u madax banaan yihiin.

Xaajadu waxay kala cadaan doontaa Maalmaha soo socda,oo la arki doono in Axmed uu mid doorto labada daran mid doorada ku hor gudban.

Wararka la Xiriira Kismaayo iyo guud ahaan Siyaasadda Jubbaland ha moogaan Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.