Dhageyso: MD ku xigeenka Galmudug oo ka warbixiyay qabanqaabada aaska Ugaas Ciise oo berri lagu aasayo Caabudwaaq

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso qabanqaabada aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

Madaxweyne ku xigeenkaasi maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka tacsiyeynayaan geerida Ugaaska ku timid.

Wuxuu sheegay in magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgaduud lagu aasi doono maalinta berrito ah.

Wuxuu sheegay in aas-aaska ay ka qeyb gali doonaan madaxda maamullada sida Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo kamid ahaa ugaasyada Soomaaliyeed ayaa taariikh ku leh dhinaca dhaqanka Soomaaliyeed wuxuuna ka soo qeyb qaatay intii uu noolaa wada hadallo nabadeed iyo shirar dib u heshiisiineed oo u dhaxeeyay umadda Soomaaliyeed wuxuuna ku dhintay magaalada Muqdisho kadib xanuun hayay Ugaaska.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.