XOG: Goorma ayaa la Magacaabayaa Golaha Wasiirada ee Jubbaland Waana Imisa Tiradooda. “Akhriso”

Iyadoo Muddo 10 maalin oo kaliya ay ka harsantahay waqtigii uu Axmed madoobe u qabsaday in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, ayaa Waxa soobaxaya warar kala duwan oo laxiriira magaacaabidda Wasiirada iyo Qaabka uu rabo in uu kusoo xulo.

Dabcan waxa Jira Siyaasado isdiidan oo ay Kenya iyo Itoobiya Kala wataan iyo Shakhsiyaad ay la doonayaan in Xilalkaas loo Magacaabo, iyadoo ay yartahay Shakhsi uu iskii u soo xulayo madoobe in uu Kamid noqdo Golihiisa Wasiirada.

Hadaba Siyaasiyiin u xogwaramay Mareegtan Gedo Times ayaa inoo xaqiijiyey in Waqti kordhin dambe uusan codsan Doonin Axmed Madoobe isagoo kusoo Go’aan qaatay Socdaalkii uu dhawaan ku kala tagay Nairobi iyo Addis Ababa, ayaa hadane wali waxaa caqabad horleh ku ah Saami qeybsiga Beelaha.

Golaha Wasiirada ayaa lagu wada in ay noqdaan 18-20 Wasiir, iyadoo beelaha sida ay u kala awood badanyihiin deegaankane ugu kala badanyihin lagu wado in loogu qeybiyo.

Beesha Daarood ayaa lagu wadaa in ay Hesho 8 wasiir iyadoo Besha Sade lagu wado in ay Hesho 4 wasiir halka Beesha kablalax lagu wado in ay hesho 3 Wasiir iyadoo Beesha Tanado Daaroodne la sheegay in ay Wasiir heli Doonto.

Beelaha kale ayaan la ogeyn sida loogu qeybinaayo Kuraasta Wasiirada, inkastoo min Wasiir laga yaabo in ay heelaan beelaha Kale ee Soomaaliyeed ee Dagan jubbaland.

Wasiirada Beesha Sade ayaa lagu wadaa in uu soo xuli doono Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Janaraal fartaag oo Dhawaan Doolow soo Gaari Doona, halkaas oo wasiirada Beesha Raga uga mid noqon doona uu isagune kusoo xuli Doono.

Wixii kusoo kordha Magacaabidda Golaha Wasiirada ee Jubbaland Kala Soco Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.