TOP News: Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, DDSI, iyo Masuuliyiin kale oo ku Wajahan Degmada Caabudwaaq.

Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Qaar kamid ah ayaa berri ku wajahan Magaaladda Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Puntland,Jubbaland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia iney ku wajahan yihiin Caabudwaaq, Halkaas oo ay uga qeybgalayaan Aaska Ugaaskii beesha Sade ee Galgaduud Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali.

Mas’uuliyiintaan iyo Mas’uuliyiin kale ayaa la sheegay iney u tagayaan Magaaladda Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud,si ay uga qayb galaan aas loo samaynayo Meydka  Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo barito Muqdisho laga duulin Doono.

Sidoo kale waxaa Meydka Ugaaska Muqdisho ka raaci Doona Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Xildhibaano ay kamid yihiin Xildhibaan magan iyo Xildhibaan Nuur baadiyow iyo Masuuliyiin kale oo Beesha kasoo jeeda.

Qabanqaabada soo Dahweynta Masuuliyiintani ayaa Degmadaasu laga dareemayaa Iyadoo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ee Maamul goboleedka Galgaduud Sare ay Noo Xaqiijiyeen in ay u diyaar Garoobeen Soo Dhaweynta Masuuliyiintani.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.