XOG: Kulan ay albaabada u Xiranyihiin oo iminka Madaxtooyada Kismaayo uga socda Axmed Madoobe iyo Saraakiil itoobiyaan ah.

Kulan ay Saxaafadda Dibad joog ka atahay ayaa Iminka Xarunta Madaxtooyada ee Maagalada Kismaayo uga soconaya, Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyo Saraakiil itoobiyaan ah oo kulanka Dalbaday.

Kulanka Iminka Madaxtooyada ka soconaya ayaa looga hadlayaa sidii uu Axmed Madoobe si degdeg ah ugu fulin lahaa Qodobadii uu kusoo saxiixay magaalada Addis Ababa oo ay ugu horeyso magacaabidda Madaxweyne Kuxigeenka jubbaland oo lagu wado in loo magacaabo markale Janaraal Cabdulaahi Sheekh ismaaciil fartaag.

Heshiiska Addis ababa ay kuwada gaareen Axmed Madoobe iyo fartaag ayaa waxaa kamid ah in Si Degdeg ah uu u magacaabo isaga iyo In Golaha Wasiirada ee beesha Sade uu Soo Xulo Madaxweyne Kuxigeenka.

Axmed Madoobe ayaa laba wajiileynaya wuxuuna Doonayaa in Itoobiya iyo kenya labaduba aysan isku dhicin, iyadoo arimahaasne ay suuragali karaan marka uu wada fuliyo Siyaasadaha isdiidan ee ay labadani Dowladood kala Wataan,

lama Oga natiijooyinka kulankani Iminka Kismaayo ka socda kasoo bixi Doona iyadoo Akhristayaasheena aan la wadaagi doono hadba wixii kulamadaas xuuraansi oah oo aan ka helno.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.