Warbixin: Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Waxaa ku geeriyooday MagaaladaMuqdisho ee Dalka Soomaaliya allaha u raxmee Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali, oo kamid ahaa Ugaasyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beesha Sade.

Innaa lilaahi wa Innaa ileyhi raajicuun, waxaan anniga oo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed iyo kan bulshada gobolada dhexeba halkaan Tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa dhamaan guriga reer Ugaas Cali Xaabuun iyo Xalane Afdhuub, gaar ahaan reer Ugaas Cabdulle iyo qoyska reer Ugaas Ciise, geerida ku timid Ugaaska.

Waxaan Ugaaska oo ah marxuum aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karinilaahay uga baryayaa innuu jannadii firdowsa ahayd ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, xaasaskii ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

Wuxuu ahaa shaqsi jecel nabadda, oo wax ka badan ka qeyb qaatay wada noolaanshiyaha beelaha Soomaaliyeed.

Dhammaan bahda Gedotimes waxay tacsi u dirayaan umadda Soomaaliyeed oo ku aadan geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle iyo ehelladii uu ka baxay.

Innaa lilaahi wa Innaa ileyhi raajicuun.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.