Madaxweyne Axmed oo ku howlan soo magacaabista golihiisa wasiirrada (Warbixin)

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada laga dareemayo howlo loogu jiro magacaabista gollaha wasiiradda cusub ee dowladda Jubblanad.

Wariyaasha ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada ayaa sheegaya in magaalada ay yimaadeen siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin doonaya in ay ka mid noqdaan gollaha wasiiradda cusub ee Jubbaland.

Siyaasiyiintani oo reer Jubbaland ah ayaa qaarkood warar hoose waxay sheegayaan inay ka yimaadeen qurbaha.

Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu magacaabo xubnaha gollaha wasiiradda cusub ee Jubbaland oo dhowr jeer dib u dhacay.

Hadal heynta ugu badan Kismaayo ayaa ah xilliga la magacaabi doono xubnaha gollaha wasiiradda cusub ee Jubbaland iyo in ay ka mid ahaan doonaan gollahaas wasiiradii horre ee hadda sida KMG ah u shaqeeya.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe wuxuu magacaabi doonaa labada madaxweyne ku xigeen ee dowladda Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa shaley dib ugu soo laabtay Kismaayo kaddib markii safar shaqo uga yimid dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa horrey kulamo ula yeeshay siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda goballada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Golaha wasiirrada cusub ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa la rajaynayaan inay kamid noqon doonaan qaar kamid ah golaha wasiirrada ee hadda shaqeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.