Faahfaahin: Weerar Ismaadaamin ah iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay 8-kalana  waa ay ku dhawacmeen   ka dib qarax ka dhacay Degmada Shangaani ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,  oo la dhigay meel u dhow Xaruunta Fisha Taraafiko ee Magaaladda Muqdisho.

Sadax ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa askar ka tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaalia halka  saraakiisha Dowlada ay sheegeen in  mid ka mid ah uu ahaa qofkii gaariga waday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir  CabdiFataax Xalane  ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo khasaaraha  ka dhashay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 9 askari oo katirsanaa DF-ka lagu dilay weerarka islamarkaana tira kale lagu dhaawacay, waxaa sidoo kale warkaas lagu xaqiijiyay in weerarka lala helay bartilmeed gaar ah oo si aad ah loo doon doonayay.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in laga hortagay khasaare intaas ka badnaa oo ay damacsanaayeen kooxda weerarka saaka ka fulisay xarunta ciidanka Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.