Xisbiga Mucaaradka Kenya oo ka Walaacsan Qorasha Kenya ee ka dhanka ah Soomaalida

ODM ayaa walaac ka muujisay qorshaha xooga ah ee dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dadhaab iyo Kaakuma waxana ay sheegtay in dhibato weyn ay tahay in dad ku dhow 400,000-qof oo qaxooti Soomali ah in dalkooda lagu soo celiyo.

Xisbiga Mucaradka ee ODM ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uusan ahayn mid aan aqlaaq,siyaasad iyo dhaqaale ba aan sal ku lahayn.

Agasimaha xisbigaasi Junet Mohammed ayaa sheegay in nolasha dad badan ay khatar gali doonto hadii meelihii ay kasoo carareen dib loogu soo celiyo.

Mas’uuliyiinta xisbigaan ayaa sheegay in aysan jirin wax argagexiso ah oo kasoo weerar taga gudaha xeryahaasi waxana tusaale ay u soo qaaten xeryaha ku yaala Biljimka iyo Faransa oo falal argageixos ay ka dhaceen,waxana hadalkoodi intaa raaciyen inaysan jirin wax cadeymo ah oo Kenya u hayso in rag ka tirsan Al-shabab ay kasoo baxaan xeryaha qaxootiga ayna qal qal galiyaan amaanka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.