Dhageyso: Wareysi Xaasaasi ah oo uu Gedo Times Siiyay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo uu Arimo Badan uga hadlay.

sayid

Shabakadda Wararka ee Gedo Times ayaa wareysi gaar ah oo aad u dheer la yeelatay Siyaasiga Maxamuud Sayid aadan oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoojeeda Gobolada Jubaland, isagoo ka hadlay Arimo dhowr ah.

Maxamuud Sayid ayaa ugu horey ka warbixiyay HEshiiskii Dhawaan ay kismaayo kuwada gaareen beesha Sade iyo Maamulka Jubba, isagoo hoosta ka xariiqay in wadahadalaasi aanan wai la dhaqan galin balse fulintooda ay dhawan ka shaqeyn doonaan.

Sidoo kale wuxuu ku hadlay Sida uu u arko Shirkii Dhawaan Nairobi ku dhexmaray Beesha Sade iyo Dowladda Kenya, kaasi oo la sheegay in lagu xalinayay Khilaafkii u dhaxeyey Beesha iyo Dowladda, wuxuu sheegay in heshiiskaas uusan taageersaneyn balse uu xurmeynaayo Shakhsiyaadkii Kulankaasi ka qeybgalay ee dhaqanka iyo siyaasiyiinta isugu jiray.

Mar uu ka hadlayay Faalo Dhawaan Lagu qoray mareegtaan Gedo Times oo la xiriirtay eedeyn isaga loojeediyey ayuu sheegay, in uu soo dhaweynaayo aragtida shacabka ay isaga ka qabaan, uuna diyaar u yahay dhaliil iyo amaan wixii loosoo jeediyo, isagoo bogaadiyay Qoraagii Faaladaas Mudane Cabdulaahi Jimcaale faarax.

Ugu Dambeyntiine wuxuu ka hadlay Hamigiisa Siyaasaded, isagoo sheegay in uusan diyaar u aheyn xil ka hoseeya Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uu sheegaymarka uu eego halka uu gaarsiisanyahay musuqmaasuqa somaaliya aysan u saamaxeyn in maanta uu soomaaliya xil ka qabto.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga Maxamuud Sayid uu Siiyay Shabakadda Wararka ee Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.