Dhageyso: Guddoomiyaha gobalka Nugaal oo ballanqaaday inay wax ka qabanayaan qiimo kororka dollarka

Maamulka gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah nabadoonada gobolka Nugaal ayaa kuguulaystay inay soo afmeeraan banaanbax kooban oo cabasho ah, kaasi oo ay saaka dhigeen ganacsatada qudaarta iyo hilibka ee magaalada Garoowe.

Haweenka banaanbaxayey ayaa ka cabanayey korukaca kuyimid qiimaha lacagta doolarka oo saamayn ballaaran kuyeelatay maciishadda gaar ahaan qudaarta, hilibka iyo raashinka.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, oo lakulmay haweenkii banaanbaxa dhigayey ayaa u balanqaaday in cabashadooda ay wax ka qaban doonaan, una gudbin doonaan dowladda dhexe ee Puntland.

Cumar Cabdullaahi Faraweyne, gudoomiyaha gobolka Nugaal, banadoon Khaliif awcali iyo qaar kamid ah haweenkii cabanayey ayaa warbaahinta kulahadlay bartamaha suuqa hilibka iyo qudaarta ee Injida.

Halkan ka dhagayso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.