(SAWIRRO) Duqa Muqdisho Madaale oo qaabilay duqii hore ee magaalada Muqdisho Xasan Abshir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiixkiisa ku qaabilay duqii hore ee magaalada Muqdisho, isla markaana horey uga soo midnoqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Xasan Abshir Faarax.

Mudane Yusuf Xuseen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa mudane Xasan Abshi oo dalka ka soo qabtay Xilal kala duwan, waxaana soo dhaweenta mudanaha ka qayb galay qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada hoose ee Xamar.
Ex.Xilibaan Xasan Abshi Faraax oo la hadlay Warbaahinta kulanka guddoomiyaha kaddib ayaa sheegay in qiira lixaad leh ay ku abuurtay soo dhaweynti maanta loogu sameeyay Aqalka Dowlada hoose ee Muqdisho oo xili uu ka talinayay, waxaana uu mahad celin iyo bogaadin farxad ku dheehan tahay u jeediyay Yusuf Xuseen Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.
Guddomiye Madaale ayaa dhankiisa in ay aad ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeesay uu soo boodo aqadlka dowlada hoose ee xamae Ex.Xilibaan Xasan Abshir faarax, waxaana uu sheegay gudoomiyah in bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay weeneeyaan dadka xilka ka soo qabtay dalkooda, tusaana xushmadda ay u hayaan mudanayaasha uu ka midka yahay Xasan Abshi.

 

IMG_6574 IMG_6582 IMG_6583

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.