War degdeg ah: Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaanka Ruunirgood

dagaal

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa dib    u qabsaday Degaanka Ruunirgood ee Shabeelaha DHexe oo gacan ku haynteeda ay isku bedbdelayaan Ciidamada Dowlada  iyo dagaalyanada Al Shabaab.

Maamulka Dowlada ee Gobolka oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii ka dhacay  Gobolkaas waxa uu sheegay in uu jiro  khasaare soo kala gaaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Gudoomiyaha  Gobolkaas Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ku sugayaan amaanka Degaanka Ruunirgood ee Shabeelaha DHexe.

Ciidanka dowladda ayaa wada howlgallo Alshabaabna waxay u ruqaansadeen dhinaca gobalka Galgaduud.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.