Kooxda Leicester City oo ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska

Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska, tanina waxay noqonaysaa mid ka mid ah taariikhaha ugu waawayn ee dhanka ciyaaraha.

Barbarihii 2 iyo 2 ahaa ee Tottenham ay la gashay Chelsea ayaa sababtay guushaas cajiibka ah ee ay gaartay kooxda uu hogaamiyo tababare Claudio Ranieri.

Rajada Leicester ay ka qabtay koobka bilawgii xilli ciyaaraadka ayaa ahaa shan kun oo meeloodaw meel, xilli ciyaareedkii horana waxayba ku sigteen in ay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee u dhibca hooseeya ee laga eryo horyaalka Ingiriiska.

Waxaa laga badiyay saddex ciyaarood xilli ciyaareedkan taas oo lagu tilmaamay wax cajiib ah.

Kooxaha ugu soo dhawaa ee Spurs, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United iyo Kooxda Chelsea oo koobka difaacanaysay ayaan midkoodna u soo dhawaanin kooxda lagu naanayso dawacooyinka ama Foxes.

160502222505_leicester_city_512x288_epa_nocredit

Marka laga hadlayo kubadda Ingiriisk, Leicester in ay koobka qaaddo waa guushii ugu waynayd ee abid waxaana u malaynayaa in taasi aan laga gudbi Karin, sidaas waxaa BBC Sport u sheegay Robbie Savage oo horay khadka dhexe uga dheeli jiray Leicester City.

Waa wax cajiib ah waana mid bog cusub u furaysa horyaalka Ingiriiska ayuu sii raaciyay.

Kaddib markii Leicester ay 1 iyo 1 barbaro la gashay kooxda Manchester United axaddii, Tottenham waxay u baahnaayeen in ay saddexda ciyaarood ee u dhimanba ay badiyaan.

Laakiin rajadoodii waxay soo af jarantay markii ay barbaro la galeen Chelsea oo ay xifaaltan leeyihiin magaalada London-na ay ka wada dhisanyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.