Masaajid xalay lagu weeraray magaalada Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Laba qof ayaa ku dhawacantay qarax lagu weeraray Masjid ku  yaalla  Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Masjidkan  oo ku yaalla Xaafada Via Libera ayaa waxa  lagu tuuray bam gacmeed sida  ay ku warameen dad   xaafada ku sugan.

Labada qof ee  dhawac  soo  gaaray ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Xaafada kuwaas oo ku sugnaa meel ku dhow Masjidka weerarkan  lagu qaaday.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa  soo  gaaray  halka qaraxan uu dhacay kuwaas oo xiray  dhamaan wadooyinka masjidka  gala.

Maamulka Degmada Waaberi   oo aan la xiriinay ma uusan ka jawaab celin telefoonka Idaacada si aan wax ugu waydiino baaritaan Ciidamada halkaas ay ka sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.