Kenya oo qorsheynaysa in Qunsuliyado ay ka furato Gobolo ka mid ah dalka Somalia

Dowladda Kenya oo adeegsaneysa safaaradda ay ku leedahay Somaliya ayaa qorsheyneysa in ay kordhiso qunsuliyadaha ay ku leedahay Somaliya, kuwaas oo ay gaarsiin doonto qeybaha kala duwan ee Gobolada dalka Somaliya.

Arrintaan ayaa waxaa ku dhawaaqay danjiraha Kenya u fadhiya Somaliya  Lucas Tumbo oo sheegay in ay tallaabadaan gacan weyn ka geysan doonto hagaajinta nolosha dadka Kenyanka ah ee ku sugan Somaliya.

Ambasaador Tumbo ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha la kordhinaayo ay ujeedadoodu tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen diiwaan galinta iyo u adeegidda muwaadiniinta u dhalatay Kenya ee howlaha kala duwan u jooga magaalooyinka Somaliya.

Meelaha laga furi doono qunsuliyadaha cusub ayaa kala ah magaalooyinka Kismayo, Hargeysa, Baydhabo iyo Garowe, waxaana ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa hadda tix galinta 1-aad la siinayo.

Safaaradda Kenya ee Somaliya oo uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaqo bilowday sanadkii la soo dhaafay ee 2015-kii, waxaana tan iyo xiligaas ay waday tira koobka dadka u dhashay Kenya oo ay hadda liis saxan ka heyso.

Ilaa 20,000 oo qof oo Kenyan ah ayey safaaradda shegtay in ay ku nool yihiin dalka Somalia, kuwaasoo 3,500 oo ka mid ah ay ka qabtaan shaqooyin rasmi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.