Faahfaahin: Dagaal qaraar oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo khasaaraha ka dhashay

dagal

Laba qof  ayaa ku  geeriyootay 5-kalana waa ay ku dhawacmeen dagaal Maanta  inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galinsoor ku  dhaxmaray ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyo isbaaro u tiilay halkaas.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa  u badnaa maleeshiyadii isbaarada   u tiilay Galinsoor iyo Magaalada  Gaalkacyo  halkaas oo maalmo ka hor ciidanka Nabad Sugidda Galmudug isbarada ay ka qaadeen.

Kontaroolka Tirada ee ku dhow Ceel aqwaan halkaas oo la soo sheegayo in ay ku dagaallameen labada dhinac. waxaana dagaalka uu yimid markii Galmudug ay heshiis uga baxday ciidanka deegaanka ee hubeysan.

Warar aan ka helnay deegaanka ayaa xaqiijinaya in saaka lagu soo baraarugay ciidamadani Hubeysan oo isbaaro halkaa dhigtay.

Weli wax faahfaahin kama uusan bixin maamulka Galmudug waxaana la soo sheegayaa in maleeshiyaadka hubeysan ee deegaanka ay wadaan hub aruursi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.