Dhageyso Falanqeyn: Indhacadde oo ka hadlay ciidanka Britain ay u soo dirtay Somalia

Jeneraal Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa sheegay in wax badan aysan ka bedali Karin howlgallada ka socda Koonfurta iyo bartamaha ciidanka ay dowladda Britain u soo dirtay Soomaaliya.

Jeneraal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin oo kaliya caawiyeyaal oo aysan ahayn ciidamo loogu talagalay inay dagaallada toos uga qeyb qaataan.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaallada hadda ka socda goballada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha oo ay si wadajir ah isugu kaashanayaan ciidanka dowladda iyo AMISOM in aysan wax badan ka bedali doonin ciidamadani marka laga reebo inay ka tala bixiyaan sida loo fulinayo howlgallada muhiimka ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.