DEGDEG: Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Baladweyne

Wiilka oo kamid ahaa dhallinyarada magaalada Baladweyne ayaa goor dhow lagu dilay inta u dhaxaysa saldhigga booliska iyo buundada xaafadda Octobar.

Wiilkani ayaa kamid ahaa ardayda jaamacadaha ka barta magaalada Baladweyne, sidoo kalena wuxuu macallin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada waxbarasho ee magaaladaasi.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dilka wiilkaasi ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Baladweyne inkastoo warar xaqiiqa ah aan weli la heli Karin.

Meyka wiilka dhallinyarada ah ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baladweyne, waxaana markii la dilayay uu ka yimid garoon kubadda cagta lagu dheelo oo ku yaalla laanta  Buulaxaableey ee xaafadda Xaawo-taako Baladweyne halkaasoo uu ciyaar ku dheelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.