Warbixin: Ciidamo ka socda dalka Britain oo soo gaaray Muqdisho

Askar ka tirsan ciidamada milatariga dalka Britain ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas, kuwaasoo taageeri doona howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa taageeri doono howl-galka Qaramada Midoobe ay taageerto ee AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa la sheegay in AMISOM ay siin doonaan taageero dhinaca farsamada iyo caafimaadka ah sida qoraalka lagu sheegay.

Xoghayaha gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa sheegay in kadib ciidamadan horudhaca ah ee maanta tagay Muqdisho ay jiri doonaan illaa 70 askari oo kale oo ciidamo British ah oo sanadkan gaari doona magaalada Muqidsho kuwaasoo ku biiri doona kuwan hadda yimid.

“Tegitaanka ciidamadan ee Soomaaliya waxa ay muujineysaa dadaalladeena ku aadan wax ka qabashada argagixisada” ayuu yiri Fallon.

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa bishii September ku dhowaaqay in Britain ay ciidamo u direyso dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.

Lama oga waxa ciidamadani Britain ka socda ay ka bedali karaan xaaladda dalka iyo waxa ay ku soo kordhin karaan xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka jira goballada Koonfureed, bartamaha iyo qeybo kamid ah kuwa bari iyo waqooyi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.