XOG: Waa Maxay ujeedka safarka Axmed Madoobe iyo Fartaag ee Itoobiya+Qorshe cusub

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa ayaa u duulay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Garoonka Adis waxaa ku soo dhoweeyay madax ka tirsan xukuumadda Itoobiya waxaana loo galbiyay madaxtooyada wadankaasi uu deggan yahay RW Itoobiya Heilamaryam.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ujeedka safarka madaxda Jubbaland ay tahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shir ka dhacaya AdisAbaba.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ku warramay in Axmed Madoobe iyo Fartaag laga la hadli doono ciidamada Itoobiya ee howlgallada u jooga deegaannada Jubbaland iyo sida ugu dhow oo ay u wada shaqeyn karaan Itoobiya iyo Jubbaland.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa diiday inay faahfaahiso safarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

1 Comment

  1. Laba daba dhilif waaye waxaa la leeyahay ayaantaan madaxaa taagteen warkiina lama hayo
    Shaqaysta hadii kale Xabsi baa idin yaqaano

Leave a Reply to Mohamed Ali Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.