Dhageyso: Xildhibaan Cabdifitaax Mataan oo Gedo Times Siiyay Wareysi uu kaga hadlaayo Xiisadda Ka taagan Baledxaawo iyo dhinacyada ay u dhaxeyso.

Iyadoo Maanta Degmada Baledxaawo ay ka taagantahay Xiisad u dhaxeysa maamulka Gobolka Gedo iyo xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo isku dhinac ah iyo Cabdirashiid janan oo isagune dhiniciisa Hogaaminaya Ciidamada Doolow ka yimid kuna sugan gudaha Degmada Baledxaawo ayaa waxaa arintaasi Gedo Times uga waramay Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ku sugnaa Duleedka Degmada Baledxaawo,

Xildhibaan Mataan ayaa wareysigiisa ku sheegay in Degmada uu kusoo duulay gacan ku Dhiigle sida uu hadalka u dhigay, isla amr ahaantaane Maamulka gobolka iyo isagaba ay arinkaasi jawaab cad ka bixinayaan.

Mataan ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in iyagoo diidan in dadka shicibka ah lag dul dagaalamo darteed ay magaalada banaanka uga baxeen isaga , maamulka Gobolka iyo Maleyshiyaad iyaga Daacad u ah.

Ugu dambeyntiine wuxuu ka hadlay Masuuliyadda wixii baledxaawo ka dhaco in uu qaadaayo Cabidrahsiid Indhakoreey sida uu hadalka u dhigay, oo uu sheegay in uu Baledxaawo kusoo duulay.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan uu Gedo Times Siiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.