Daawo: Kulan Arimo Badan looga hadlay oo Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

Magaalada Addis Ababa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil, kuwaas oo kawada hadlay Arimmo Dhowr ah.

Xasna Sheekh ayaa Fartaag ka dalbaday in ay kulmaan iyadoo kulankoodane diiradda Lagu saaray tabashooyinka ka dhaxeya beesha Sade iyo Xasan Sheekh oo ay kamid tahay qadiyadda Kismaayo.

Xasan Ayaa fartaag ka codsaday in uu la kulansiiyo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo hogaamiyayaasha dhinaca Dhaqanka ee Beesha.

Sidoo kale wuxuu weydiistay in uu Qaban qaabiyo safar uu Gedo ku tago Bartamaha Bisha soosocota ee May.

Fartaag ayaa Madaxweyne Xasan u sheegay in uu arimaha uu soo jeediyey kala shaqeyn doono wixii macquul uu u arko, iyadoo Xasan Sheekhne u balanqaaday in Heshiis uu Beesha Sade lagalo iminka ay Daacad katahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xagal daacin iyo dagaal kula jiray beesha Sade tan iyo markii ay isqabteen isaga iyo Raisal Wasarihii Hore ee Soomaaliya DR  Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka.

fartaag

fartaag1

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.