Degdeg: Xiisad Colaadeed iyo hub u ruursi ka taagan Degmada baledxaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisad Colaadeed ayaa ilaa saaka waxa ay ka taagantahay Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo taasi oo u dhaxeysa Cabdirashiid Indhakoreey, oo dhinac ah iyo masuuliyiinta Gobolka Sida Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka gedo bakaal Kooke, Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo Korneyl yuusuf Kaanti, iyo Xildhibaan Cabdifitaax Nuur mataan, oo dhamaantood kuwada sugan Degmada Baledxaawo.

Cabdirashiid indhakoreey ayaa lasoo warinayaa in Degamda Baledxaawo uu kusoo weeraray Tiro Ciidamo ah iyo ilaa Sadex Tigniko ah, iyadoo masuuliyiintaasine aya rinkaasi ka horyimaadeen.

Ma cadda Sababta uu Indhakoreye Baledxaawo Ciidamada Ula yimid, iyadoo iminkane ciidamada ka amar qaata Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Bakaal iyo Xildhibaan Mataan ay ku suganyihiin Duleedka Waqooyi ee Degmada baledxaawo.

Lama Oga waxa uu xaalku ku dambeyn karo, Xilli Xisiadane ay Cirka isku sii shareereyso.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu isfahamwaa ka dhex jiray Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan,. Gudoomiye Kuxigeen bakaal, Gudoomiye yusuuf kaanti oo dhamaantood isku dhinac ah Iyo Cabdirashiid indhakoreey oo isagu Ragan ay isku hayaan Siyaasadda Waqooyiga Gobolka gedo.

Wixii kusoo kordha Kala Soco Wararkeena Dambe insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.