DEGDEG: Xaaladda Baladxaawo oo caawa kacsan iyo adeegyadii bulshada oo xaniban

baladxaaw

Wararka ka imaanaya magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in ciidamo uu wato wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Cabdirashiid Janan.

Ciidamadii dowladda iyo kuwii ilaalada u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo lagu magacaabo Cabdifataax Nuur Mataan iyo maamulka dowladda ee degmadaasi ayaa dibadda kaga baxay oo meel duleedka ah ku sugan.

Xildhibaan Cabdifataax Nuur Mataan ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid ka baxsan shuruucda caalamiga ah isla markaana iyagoo diidan in magaalada lagu dagaallamo ay sidaas kaga baxeen.

Ciidamada Jubbaland ee uu wato wasiir xigeenkaasi ka tirsan maamulkaasi ee arrimaha gudaha iyo amniga ayaa ku sugan gudaha magaalada Baladxaawo.

xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay ciidanka qabsaday Baladxaawo inay xireen dhammaan isa socodka adeegyadii bulshada sida ganacsiga, caafimaadka iyo kuwa kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.