DEGDEG: Qarax ismiidaamin ah oo hadda ka dhacay dalka Turkiga

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dhinaca galbeed ee caasimadda Turkiga ayaa warar horudhaca ah ay ka soo baxayaan.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay inta la og yahay halka ay dhaawacmeen 10 kale sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Turkiga.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay meel calaamad u ah caasimadda oo ku dhow masjid weyn oo la dhisay qarnigii 14-aad.

Guddoomiyaha magaalada Bursa dhinaca galbeed ee caasimadda Turkiga oo uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in weerarkani ismiidaaminta ah looga shakisan yahay inay fulisay qof haweeney ah.

Turkiga ayaa ku eedeeya qaraxyada ceynkani oo kale ah inay ka dambeeyaan kooxda Daacish iyo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Talaadadii shalay ahayd ayaa dowladda Maraykanka ay ka digtay waxa caawa ka dhacay Turkiga.

Maraykanku wuxuu sheegay in ay hayaan tilmaamo lagu kalsoonaan karo oo uu muujinaya hanjabaadyada argagixisada ee la xiriira inay beegsanayaan meelaha ay ku nool yihiin dadka dalxiisayaasha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.