Maxaad kala socotaa wararkii ugu dambeeyay ee Puntland, Khaatuma iyo Somaliland

Maamulka Khatumo ayaa war been abuur ah ku tilmaamay  wararka sheegaya  in Magaalada Buuhoodle ay la wareegeen ciidamo ka amar qaada Maamulka Puntland.

Magaalada waxa la sheegayaa  in gacan ku haynteeda ay isku bedbedaleen ciidamo ka kala amar qaada Maamulada deriska ah ee Khaatumo iyo Puntland kuwaas oo marar badan halkaas uu dagaal ku dhaxmaray.

Wararka xiligan laga helayo Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in  Magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Khatumo isla markaana wado kasta oo magaalada lagu arkayo.

Isbitaalka wayn ee  Magaalada Hargaysa ayaa la dhigay tiradii ugu badnayd ee caruur la liita  nafaqo daro baahsan.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka  guud ee Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in  inta   badan caruurta la keeno isbitaalka   jirkooda difaac ahaan aad u  liito.

Waxa ay  ku warameen dhaqaatiirka Isbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa in wali ay jiraan  Caruur  kale  oo xaaladaas ku sugan oo aan la soo gaarsiin isbitaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.